Booliska Kenya oo xidhay nin magaca aabihii Imtixaan ku fadhiistay

Kenya-(Berberanews)-Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogeen nin doonayay in uu iska dhigo aabihii, kadib markii uu qirtay in uu isku dayay in uu imtixaan ku fadhiisto magaca aabihii.

George Barasa Makokha ayaa lagu xidhay dugsiga sare ee Our Lady of Mercy ee magaalada Busia ka dib markii shaqaaluhu ay ka shakiyeen oo ay la xidhiidheen booliiska, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Isniintii.

Aabaha dhalay Makokha ayaa la sheegay in uu ka diiwaangashanaa oo uu ka dhiganayay iskuulkii uu u qorsheeyay in uu ka galo imtixaankii sanadka ugu dambeeyay ee English-ka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com