Afar arrimood oo Madaxweynaha Somaliland ku sheegay khudbad uu Mareykanka ka jeediyey

Washington -(Berberanews)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Maraykanka,  ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xarunta Machadka Heritage Foundation ee magaalada Washington xalay
.
Ugu horreyn, Madaxwaynuhu waxa uu khudbaddiisa si faahfaahsan ugaga warbixiyey maraxaldihii kala duwanaa ee Jamhuuriyadda soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.
Haddaba, waxa aynu warbixintan ku eegaynaa qodobbada ugu muhiimsan ee uu Madaxweynaha Somaliland kaga hadlay khudbadda uu ka jeediyey Machadka Heritage Foundation.

Dimoqraadiyadda Somaliland:
Madaxwayne Biixi ayaa farta ku fiiqay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumarro dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhanka dimoqraadiyadda.

Wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland:

Geesta kale, Madaxweyne Biixi, ayaa ku dhawaaqay gebi ahaanba in wadahadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ay guuldarreysteen, wax natiijo ahna aanay ka dhalan.

“Iyada oo ay jiren 9 wareeg oo wadahadallo ah, laga soo bilaabo 2012 ilaa 2022, natiijadii laga sugayey wadahadallada oo ahaa in lagu xalliyo hal qodob oo ahaa midka muranka dhaliyey, kaas oo ahaa meeqaamka Somaliland, wax natiijo ahna lagama gaadhin, taas beddelkeedana Soomaaliya waxa ay wada-xaajodyada u isticmaashay in ay qaadato siyaasado lagu wiiqayo madaxbannaanida iyo xasilloonida Somaliland,” ayuu yidhi Mr Biixi.

Madaxwayne Biixi ayaa eedda fashilka wadahadallada u xambaariyey madaxda dawladda fedraalka ee Soomaaliya.

“Somaliland waxay rumaysan tahay in wada-xaajoodyada lagu guuldarreystay in lagu gaadho hadafyadii looga gol lahaa, eedda guuldarraduna waa mid guud ahaan dusha u saaran Soomaaliya, iyaga oo geliyey dadaallo lagu minja-xaabinayo wada-xaajoodyada, taasina waxay ka muuqataa ficilladooda gurracan,” ayuu yidhi madaxwayne Biixi.

Madaxwaynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa carrabka ku adkeeyey in aanay marna Soomaaliya iyo Somaliland dib u midoobi doonin.

“Soomaaliya iyo Somaliland weligood dib uma midoobayaan, hadda iyo mustaqbalkaba, sababtoo ah hab fikirkayaga ayaa kala duwan. Kuwa Muqdisho ku sugan tan iyo sannadkii 1960-kii ilaa maanta, 30 sanno ayaan mideysneyn, isla mrakaana 30 sanno labada dhinacba waxa uu ku ahaa mid adag. Waxa jiray dagaal gudaha ah, 1960 waxaa la diiday dastuurkii, afgembigii dhicisoobay 1961,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxwayne Biixi ayaa intaas ku daray in Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dal oo midoobay.

“Kuwa Muqdisho ku sugan ilaa maanta waxa ay rumeysan yihiin oo maskaxdooda ka guuxaya in Somaliland tahay gobol yar oo ka tirsan Soomaaliya.  Waxay iska indhotirayaan taariikhda ah in aan ahaan jirnay laba dal oo madaxbannaan oo si iskood ah isugu biiray, laakiin qaar badan oo ka mid ah dadka Muqdisho ku sugan taas ma rumeysna, markaa ma jiro qaab ay Somaliland marnaba ku aqbaleyso in ay Soomaaliya la midoobaan,” ayuu ku sii daray.

Taiwan iyo Somaliland:

Madaxwayne Biixi oo dhanka kale la weydiiyey arrinta xidhiidhka Taiwan, ayaa sheegay in Shiinuhu ay aad uga cadhaysan yihiin iskaashiga sii xoogeysanaya ee Taiwan iyo Somaliland.

“Arrinta Taiwan, Shiinaha waxa ay aad uga xun yihiin in Somaliland ay xidhiidh la yeelatay Taiwan oo xafiis ganacsi aan ka furannay Taiwaan iyagana ay caasimadda Hargeysa ka furteen, laakiin Somaliland waa dal madaxbannaan, dhaqaale ahaan ma xoogganin, millatari ahaan ma xoogganin, sabool ayaa nahay, laakiin qab ayaan leenahay, go’aanadayadana annaga ayaa gaareyna, cid galaangal nagu yeelan kartaana ma jirto,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine:

Madaxwaynaha Somaliland oo sidoo kale wax laga weydiiyey duullaanka Ruushka ee Ukraine, ayaa sheegay in dhibaatada ay hadda ku jiraan dadka reer Ukraine ay hore u soo mareen, kana xun yihiin waxa ku dhacaya.

“Waxaan u maleynayaa Ukraine in aan kala duwanahay, laakiin waxaan wadaagnaa dhibaatada, dhimashada, qaxootiga, duqeymaha dhammaan arrimahan waan wadaagnaa, isla markaana khibrad wanaagsan ayaan u leenahay oo dadkii ugu horreeyey oo la kulmay dhibaatadan oo kale ayaan nahay, markaa waan dareemeynaa, waana ka xunnahay, mana taageereyno in duqeymo lala beegsado magaalooyin, dumar iyo carruurtaasi dagaal ma aha ee waa xasuuq,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo casuumaad ka helay Hay’adda The Heritage Foundation, ayaa haatan socdaal ku jooga Maraykanka, waana booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay sannadkii 2017kii.