Maxaa ka jira in Ruushku gargaar Milateri weydiistay China?

China-(Berberanews)-Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa ka jawaabtay warbixinnada warbaahinta Axaddii ee sheegaya in Moscow ay ka codsatay Beijing qalab milatari tan iyo markii ay bilawday duullaankeeda Ukraine, isagoo leh, “Weligay taas ma maqal.”

Afhayeenka, Liu Pengyu, ayaa sheegay in muhiimada Shiinaha ay tahay in laga hortago in xaaladda kacsan ee Ukraine ay faraha ka baxdo.

“Xaaladda hadda ka jirta Ukraine runtii waa mid murugo leh,” ayuu ku yidhi jawaabaha iimaylka ah ee su’aasha ka timid Reuters.

“Muhiimadda sare ee hadda waa in laga hortago in xaaladda kacsan ay sii korodho ama xitaa ka baxdo xakamaynta.”

Mar sii horreysay Wargeysyada Financial Times iyo Washington Post ayaa soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo sheegaya in Ruushka uu Shiinaha ka codsaday qalab milateri tan iyo markii 24-kii Febraayo ay weerareen Ukraine.

Akhri wax dheeraad ah Ruushka ayaa ku tilmaamay ficilada uu ka wado Ukraine “hawlgal gaar ah”.