Machadka Heritage Foundation oo ka Hadlay Horumarka Somaliland gaadhay

Washington -(Berberanews)-Machadka Caalamiga ah ee The Heritage Foundation oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, ayaa ka warbixiyey guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay 30 kii sanno ee u dambeeyey iyo sida ay u hanatay qaran dimuquraadiyad ku dhisan.
Machadka The Heritage Foundation oo ah hay’ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi’da ganacsiga xorta ah, dawlad wanaagga, xorriyadda shaqsi ahaaneed, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah iyo difaac qaran xooggan.

Hay’addan ayaa sidoo kale qaabilsan cilmi-baadhista, midaynta dhaqdhaqaaqa muxaafidka si ay u wada shaqeeyaan iyo tababarka Hogaamiyayaasha si loo diyaariyo jiilalka mustaqbalka ee hoggaamin doona Ameerika.
Hay’adda Heritage Foundation ayaa sheegtay in dhulka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka mid yahay meelaha ugu istiraatijisan Afrika, uguna xasilloonida badan.

Hay’adda The Heritage Foundation waxay sidoo kale Somaliland ku ammaantay in soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dhisatay dimuquraadiyad weli sii xoogaysanaysa iyada oo sidoo kale qayb weynna ka qaadatay xasilloonida gobolka.

Heritage Foundation ayaa waxyaabaha kale ee Somaliland ay ku ammaantay ku soo dartay in sannadkii 2020-kii, ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Taiwan.

Hay’addan ayaa boggeeda ku daabacday in aannu jirin dal ka mid ah adduunka oo wali u aqoonsaday in Somaliland ay madax-bannaan tahay, inkasta oo ay si madax bannaan caalamka ula dhaqanto.

Bogga ay internetka ku leedahay Hay’adda The Heritage Foundation, ayaa lagu daabacay inay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ay ku martiqaaday xaruntooda si uu uga hadlo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, taas oo fure u noqon doonto booqashadiisa USA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal ku jooga magaalada Washington, ayaa khudbad uu ka jeediyey xarunta Machadka caalamiga ah ee siyaasadda falanqeeya ee Heritage Foundation caawa fiidkii, waxa uu  ka hadlay xaaladda Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay ee ay ku soo gaadhay inay noqoto mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon, uguna dimuqraadisan mandaqadda Gobolka Geeska Afrika.