Ciidanka Qaranka Somaliland oo 10 casho u qabtay dadka deggan Dhulka Millatariga

Hargeysa   – (Berberanews)-Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku wargeliyey dadka shacabka ah ee deggan dhulka saddex goobood oo ciidanka millaterigu ku leeyihiin caasimadda Hargeysa inay muddo 10 maalmood ah kaga guuraan dhulkaas.
Sidaa waxa lagu sheegay qoraal wargelin ah oo ka soo baxay Taliska Guud ee Millateriga Somaliland maanta.
“Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ogeysiinayaa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu  tahay 14/03/2022 in dadweynaha shacabka ah ee deggan goobaha Ciidammada Qaranku leeyihiin caasimadda Hargeysa ay muddo 10 casho gudahood ah kaga guuraan, goobahaas oo kala ah sidan:-
1. Laynka Millatariga Hargaysa
2. Agagaarka Xerada Birjeex
3. Xero Ruushta.
Sidaa daraadeed, dadwaynaha deggan goobaha kor ku xusan waxa la farayaa in ay waqtiga dhawraan,” ayaa lagu yidhi farriinta wargelinta iyo amarka ah ee ka soo baxday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.