Wefti ka socda Baarlamaanka Somaliland oo gaadhay Brussels, xarunta Baarlamaanka Yurub

Brussels -(Berberanews)-Wefti ka socda labada gole baarlamaan ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay caasimadda dalka Belgium ee Brussels oo sidoo kale ah xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub duhurnimadii maanta.
Weftiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Xaamud Jibriil, xubnana ka yihiin xildhibaanno ka ka ka kala tirsan goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Baarlamaanka Midowga Yurub.

Weftiga oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa subaxnimadii saaka gaadhay magaalada Brussels, waxaannu safarkoodu la xidhiidhaa marti-qaad rasmi ah oo baarlamaanka Somaliland ka helay dhiggooda Midowga Yurub.
Xubnaha weftiga baarlamaanka Somaliland ayaa ka kooban Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir iyo La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida marwo Faadumo Siciid.
Weftiga ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeesheen xubno ka mid ah Baarlamaanka dalalka Midowga Yurub ee taageera qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.