Uhuru Kenyatta oo doorashada sanadkan u cumaamaday Raila Odinga

Kenya-(Berberanews)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku taageeray musharaxii uu la tartamayey ee Raila Odinga in uu noqdo musharaxa madaxweyne ee doorashada sanadkan.

Mas’uulkan xilka haya oo aan mar kale isa soo sharixi karin maadaama uu horay labo xilli u soo shaqeeyay ayaa u sheegay kumannaan qof oo isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Nairobi inaanu wax shaki ah ka qabin in Mr Odinga uu yahay kabtanka kooxda.

Bishii hore xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa ku biiray isbaheysiga uu hoggaamiyo Mr Odinga.

Sannadkii 2018-kii Mr Kenyatta iyo Mr Odinga ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ka dib rabshado dad badan ay ku dhinteen oo ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Labada qoys ayaa muddo tobanaan sano ah iskaga soo horjeeda siyaasadda.