Suxufi Maraykanka u dhashay oo lagu dilay dalka Ukraine

Ukraine-(Berberanews)-Suxufi Maraykan ah oo ka shaqaynaysay Ukraine ayaa lagu dilay magaalada Irpin ee duleedka Kyiv, sida ay booliisku sheegeen.

Brent Renaud oo 50 jir ah ayaa ahaa wariye iyo filim sameeye horay uga soo shaqeeyay wargeyska New York Times.

Taliyaha booliska ee Kyiv Andriy Nebytov ayaa sheegay in ay beegsadeen askarta Ruushka. Laba wariye oo kale ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo loo qaaday cisbitaal.
Waa geeridii ugu horreysay ee wariye ajnabi ah oo ka soo warramaya dagaalka Ukraine.
Mid ka mid ah wariyeyaasha la dhaawacay oo lagu magacaabo Juan Arredondo ayaa u sheegay wariye Talyaani ah inuu la socday Brent Renaud markii ay rasaasta la dhaceen.

“Waxaan dul joognay mid ka mid ah buundooyinka ugu horreeya ee Irpin, annagoo u soconnay inaan filim ka duubno qaxootiga kale ee baxaya, waxaanan fuulnay baabuur,” ayuu ku yidhi muuqaal lagu daabacay Twitter-ka.
“Qof ayaa noo soo bandhigay inuu na geeyo buundada kale, waxaanan ka gudubnay isbaaro, markaasay rasaas nagu bilaabeen. Markaa darawalkii ayaa soo jeestay, oo ay rasaas ku sii wadeen; waxaa jira laba qof oo naga mid ah. Saaxiibkay waa Brent Renaud, isagana waa la toogtay. laga tagay…waxaan arkay isaga oo qoorta laga toogtay.”

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa u sheegay CBS News in waddanku uu ku soo rogi karo “cawaaqib ku habboon” oo ka dhan ah Ruushka dhimashada Renaud.