Maraykanka oo sida madaxda caalamka ula wareegtay ammaanka Madaxweynaha Somaliland

Washington  -(Berberanews)-Dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysay sida madaxda caalamka si buuxda ula wareegtay ammaanka iyo martigelinta weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ka degay Madaarka Dulles International Airport ee magaalada Washington maanta.
Sidoo kale, dawladda Maraykanka ayaa ku wargelisay badan oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ah in aanay kula kulmi karin weftiga Madaxweynaha garoonka diyaaradaha ee Dulles, maadaama ay dawlad ahaan iyagu ula wareegeen hab-maamuuska, martigelinta iyo ammaanka Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga ballaadhan ee uu horkacayo, waxa ammaankiisa iyo soo dhoweyntiisa la wareegay dawladda Maraykanka oo kaashanaysa Hay’adda Sirdoonka ee United States Secret Service.
Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee la yidhaa USSS, ayaa la sheegay inay dib u celisay dad badan oo doonayey inay Madaarka Dulles ku soo dhoweeyaan Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Bihi iyo weftigiisu, waxa ay la kulmi doonaan jaaliyadda Somaliland keliya marka ay dhammaadaan kulamo kala duwan oo ay la yeelan doonaan madaxda dawladda Maraykanka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, hay’ado iyo ururro caalami ah, kuwaas oo la geli doona heshiisyo albaabada u xidhan yihiin.