“Ma Jirto Cid Waqtigan WADDANI ku Meteli Karta In Madaxweynaha La Carqaladeeyo” Guddoomiye Xirsi

Hargeysa -(Berberanewa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ugu baaqay taageerayaasha xisbigiisa ee ku nool dalalka Woqooyiga Ameerika inay ka qayb-galaan soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo ee safar ku tagay waddanka Maraykanka.

Guddoomiye Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray maanta waxa kaloo uu taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Maraykanka uga uga digay inay sameeyaan tallaabo kasta oo liddi ku ah weftiga Madaxweynaha Somaliland oo gaadhay magaalada Washington maanta.
“Salaan qiimo badan kadib, Xisbiga WADDANI wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadii’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecaddu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hortimaaddaa kuma metesho Xisbiga WADDANI.

Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhoweeyo, mana jirto cid waqtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo. Marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta qarannimada ayaa inoo ballan ah, waanad mahadsan tihiin,” ayuu Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku yidhi qoraalka farriinta iyo digniinta isugu jira ee uu u diray taageerayaasha xisbigiisa.