Kenya: Al-shabaab oo Weerar ku Dilay 5 qof oo midkood u Dhashay Dalka Shiinaha

Lamu  -(Berberanews)-Kooxda Al-shabaab, ayaa dilay shan qof oo midkood u  dhashay dalka Shiinaha, kadib markii ay weerar ku qaadeen goob dhisme ka socday oo ku taal saddex kalena Gobolka Lamu ee xeebta dalka Kenya, sida boolisku sheegeen.
Weerarkan ayaa Jimcihii ka dhacay Lamu oo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
Shaqaalaha la weeraray ee ayaa dhisayey buundada waddo dekedda Lamu ku xidha South Sudan iyo Itoobiya, markii weerarka lagu qaaday, waxana dhintay afar ka mid ah sida lagu sheegay warbixinta booliska.
Sidoo kale, waxa weerarkaas ku dhaawacmay saddex qof oo ka mid ah shaqaalaha dhismaha la weeraray.
Qof kale oo waddada marayey oo saarnaa mooto ayey sidoo kale xabbaddu haleeshay oo dhintay, ayey warbixintu intaas ku dartay.
Masuuliyadda weerarka waxa sheegtay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya oo khasaaraha dhimashada ku sheegay lix qof oo Kenyan ah iyo mid u dhashay dalka Shiinaha.
“Ciidammada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen Gobolka Lamu ku dilay 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah,” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Al-shabaab.
Gobolka Lamu oo ka mid ah meelaha dalxiiska caanka ku ah ee dalka Kenya, waxa marar badan ka dhacay weerarro iyo qaraxyo ay fulisay kooxda Al-shabaab.