Iran oo sheegatay gantaallo lagu garaacay waqooyiga Ciraaq

Iran-(Berberanews)-Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in ay gantaallo la beegsadeen “xarun istaraatiiji ah” oo ay Israa’iil leedahay, kuwaasoo xalay ku garaacday magaalada Irbil ee Kurdiyiinta Ciraaq.

Labo iyo toban gantaal ayaa habeenimadii xalay ay ku dhufteen gagaarka Qunsuliyadda Maraykanka, kuwaas oo geystay khasaare nafeed iyo dhaawaca hal qof oo rayid ah, sida ay sheegtay maamulka gobolka Kurdistan.

Maraykanku waxa uu sheegay in aanay jirin cid Maraykan ah oo wax ku noqotay, isla markaana aanay wax dhibaato ahi soo gaadhin xarumihiisu waxa uu ugu yeedhay “Weerarkan foosha xun”.

Militariga iyo dowladda Israa’iil ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan sheegashada Iran.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa soo xigatay bayaan ka soo baxay ilaalada kacaanka iyadoo sheegtay in ciidamadu ay badhtilmaameedsadeen “xarunta istiraatijiyadeed ee Sahyuuniyadda ee shirqoolka iyo sharka” ee Irbil gantaalo si sax ah loogu hagay si looga jawaabo “dambiyadii dhawaa”.

Ilaalada Kacaanka ayaa wacad ku maray in ay Israa’iil ka bixin doonaan “qiimaha” weerar xagga cirka ah oo ay Isniintii ka geysteen meel u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq oo lagu dilay laba sarkaal oo sare oo Iiraaniyiin ah.

Golaha wasiirada ee gobolka Kurdistan ayaa yidhi: “Weerarkan fulaynimada ah ee lagu qaaday Irbil… ee lagu marmarsiyoonayo in lagu duqeeyey saldhig ay Israa’iil ku leedahay meel u dhow Qunsuliyadda Mareykanka ee Irbil, lala beegsaday goobo rayid ah, qiilna u ah kaliya in lagu qariyo ceebta dembigaas.”

“Waxaan ku celinaynaa in dacaayada kuwii weerarkan geystay ay tahay mid xaqiiqada ka fog.”

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Kadhimi ayaa isna cambaareeyay weerarka. “Weerarka gardarada ah ee lala beegsaday magaalada qaaliga ah ee Irbil, cabsina ku dhex faafisay dadka deggan, waa weerar lagu soo qaaday ammaanka dadkeenna,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Ciidamadeena amnigu waxay baadhi doonaan, kana hortagi doonaan wax kasta oo khatar ku ah shacabkeena.”

Safiirka Maraykanka ee Ciraaq, Matthew Tueller, ayaa sheegay in Iran ” lagula xisaabtamo xadgudubkan badheedhka ah ee lagu hayo madax-banaanida Ciraaq iyo weerarrada argagixisanimo ee lagu qaaday hantida rayidka ah ee aan waxba galabsan”.

Berberanews.com
Indo@berberanews.com