Gantaalo Balistic ah oo lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka Ciraaq

Ciraaq-(Berberanews)-Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu soo waramayaa in ay muujinayaan saameynta ugu yaraan shan gantaal oo lala beegsaday magaalada Erbil ee dalka Ciraaq oo u dhow saldhigga ciidamada Mareykanka iyo qunsuliyada.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in weeraradu ay ku lug lahaayeen  gantaalada ballistic-ga Fateh-110 oo laga soo riday Iran,kuwaasoo aan ahayn gantaallo yar yar ama madaafiic loo adeegsaday weeraro badan oo hore oo lala beegsaday xarumaha Maraykanka ee Ciraaq.

Ma jiraan warar degdeg ah oo ku saabsan khasaaraha ama aargoosiga Maraykanka ee weerarada la sheegay.

Ra’iisul Wasaare Mustafa al-Kadhimi ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Gardarrada lagu beegsaday magaalada qaaliga ah ee Irbil cabsina ku dhex abuurtay dadka deggan waa weerar lagu soo qaaday ammaanka dadkeenna.”

Masrour Barzani, oo ah ra’iisul wasaaraha ismaamul goboleedka Kurdiyiinta ay maamulaan ayaa cambaareeyay weerarka. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in Irbil “aanay u sujuudi doonin fulayda fulisay weerarka argagixisada.”

Haddii la xaqiijiyo, weerarku wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo markii gantaal lagu weeraray ciidamada Mareykanka ee Ciraaq bishii January 2020.

Weerarradaas ayaa yimid ka dib markii duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku dileen Qaasem Soleimani, taliye sare oo Iiraani ah, oo marayay Waddada Garoonka Diyaaradaha ee Baqdaad.

Weeraradan cusub ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood ka dib markii laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran lagu dilay Suuriya weerar cirka ah oo ay fulisay Israa’iil.
Halka duqaymaha yar yar ee gantaalada iyo madaafiicda ee ay fulinayaan xulafada Iran ay taageerto ee Ciraaq iyo Suuriya, iyo sidoo kale weerarada is-miidaaminta ah ee aan duuliyaha lahayn, ay noqdeen kuwo aad u badan tan iyo weerarkii gantaalaha ee 2020, tan iyo xilligaasna lama isticmaalin gantaalada ballistic-ga.

Berberanews.com
Info@berberanews.com