USA-(Berberanews)-Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in iska horimaad toos ah oo dhexmara gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka uu ka dhalan doono dagaalkii saddexaad ee adduunka.
“Waxaan rabaa in aan caddeeyo: Waxaan ilaalin doonaa gobol kasta oo NATO ah in uu lahaado leh awood buuxda oo isku dhafan oo la xoojiyay” ayuu yiri Biden.
“Laakiin ma qaadi doono dagaal ka dhan ah Ruushka oo duulaan ku qaaday Ukraine, iska horimaad kasta oo toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka wuxuu noqon karaa dagaalkii 3-aad ee aduunka”
Biden ayaa marar badan diiday inuu u diro ciidamo Maraykan ah si ay isaga hor imaad toos ah ula galaan ciidamada Ruushka.
Maalmihii la soo dhaafay, maamulkiisa ayaa bilaabay olole cunaqabateyn ah oo ka dhan ah Vladimir Putin iyo dalkiisa.
Jimcihii Biden, wuxuu ku dhawaaqay in dalkiisa uu mamnuucayo badeecadihii uga imaan jiray Ruushka sida khamriga Vodka, dheemanka iyo cuntada badda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inuu xadidi doono dhoofinta alaabaha raaxada ee Mareykanka ee uu geyn jiray Ruushka. Alaabooyinka aanan laga heli doonin suuqyada Ruushka waxaa kamid ah saacadaha, baabuurta iyo dahabka.
Sidaas si la mid ah, Maraykanka iyo xulafadiisa waxay isku dayi doonaan inay wiiqaan maqaamka Ruushka gaar ahaan awooddiisa ganacsi.
“Putin waa nin gadaran, wuxuu dusha saaran doonaa mas’uuliyadda ka dhalata arrintaas, Waan muujineynaa awoodeena, mana quusan doono,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Biden ayaa sidoo kale uga digay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu cawaaqib xumo kala kulmi doono haddii uu isticmaalo hubka kimikada xilli uu duulaan ku qaaday Ukraine.
Hadalka Maraykanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay la sheegay in ciidamada xukuumadda Moscow ay xoojiyeen weerarrada ay ku qaadayaan galbeedka Ukraine, iyagoo weerarro bambaanooyin ah ku qaaday magaalooyinka Lutsk iyo Ivano-Frankivsk, oo ku yaalla xadka Poland iyo Moldova.
Poland waa xubin ka tirsan gaashaanbuurta NATO.
@Bbc Somali