Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Laascaanood oo toogasho lagu dhaawacay

Laascaanood-(Berberanews)-Waxaa dhaawac loogu gaystay Laascaanood caawa mudane Zakariye Garabyar, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Laascaanood.

Xildhibaan Qaasim Sulaymaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cambaareeyay falka lagu dhaawacay Xildhibaanka, waxaannu sheegay in dowladda masuulliyad gaar ahi ka saarantahay amniga shacabka iyo masuulliyiintiba.

Qoraalka Xildhibaanku kaga hadlayo toogashada lagu dhaawacay Zakariye Garabyar, ayaa u qornaa sidan:

“Waan Cambaaraynaynaa; Illahayna Waxaan uga Baryaynaa inuu u Boogo Dhayo.

Dhalinyaradda Golaha Deegaanku Waxay Gacanta ku hayaan ama Qabteen wax aan 30 kii Sano ee la soo Dhaafay Laascaanood loo Qaban; Maanta waxay innaga Mudnaayeen Ilaalin, Xurmayn & Qiimayn.

Xukuumada ayay saaran tahay masuuliyadda Amni ee Muwaadiniinta & Masuuliyiinta Gobolka, Suurtogalna Noqon mayso in maalin walba Nin Haldoor ah intii lagu Dilo aan Cidi is-waydiin. Jawaab Degdeg ah ayaan ka sugaynaa Xukuumadda oo ay ku soo Qabanayso Dadka Falalka Dilalka Ka Geysanaya Magaaladda.

Waa hubaal in tallaabooyin amni oo aad hore u qaadeen dhammaantood fashil ku dambeeyaan. Illahow Zakariye u Boogo-Dhay.”

Berberanews.com