Taageerada socdaalka Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ee Maraykanka

Hiigsiga iyo halbeegga siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa afartii sanno ee la soo dhaafay gaadhay darajadii ugu sarraysay taariikhda intii aynu dib ula soo noqonnay madax-bannaannideeda.
In badan oo ka mid ah dalalka deriska, gobolka, Aasiya iyo Yurub ayaa guulo sumcad iyo meeqaam weyn inoo horseeday laga soo hooyey, xilliganna waxa loo dhiilo dhaansaday W9qooyiga Ameerika & madasha Qarammada Midoobay in lala tego ajanddayaal qeexan oo si cad u gadaya in dunidu inala fahamto himiladeenna.

Safarka USA ay ugu baxeen Madaxweynaha Qaranka Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu waa mid miisaan weyn leh, sida muuqatana wuxuu raacayaa qorshe iyo abbaar cilmi ku dhisan caddayn waxa u ah Sanatarradii ka socday Aqallada Barlamaanka Maraykanka iyo diblomaasiyiintii sare ee horrey u soo gaadhay dalka.

Idanka Rabbi, dawlad iyo shacab ba waxa innagu waajib ah inaan sidaas u fahamno, isla markaana duco, bogaadin iyo talo haddaynu ku biirin karno inaan la garab galno.

Ugu dambayn, Madaxweynaha iyo weftigiisa Alle idankii waxaan rajaynayaa inay nabad tegaan, dhammaan qorshahooda qaran inuu guul uu ugu soo dhammaado si dhammaanteen iyo jiilasha innaga dambeeyaaba ay u intifaacsadaan uguna naaloodaan Insha Allah.

#ALLAA_MAHAD_LEH
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Guddoomiyaha Gobolka Gabilay.