Ruushka oo afduubay duqii magaalada Melitopol ee dalka Ukraine

Ukraine-(Berberanewa)-Dadka ku nool magaalada koonfurta ku taalla, Melitopol ee dalka Ukraine ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan “afduubka” ciidamada Ruushka ay u geysteen duqa magaaladaas.

Ciidamada Ruushka ee qabsaday magaalada ayaa afduubtay duqii Melitopol, Muuqaal la soo duubay ayaa muujinayay dadka oo ku dhawaaqaya “no soo celi maayarkeena”

Dadweynaha oo ka careysan falkaas ayaa xiray waddooyinka gala xarumaha maamulka deegaanka, oo ku yaala bartamaha magaalada, iyagoo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo Ivan Fedorov, oo ah duqa magaalada Melitopol.

Saraakiisha Ukraine ayaa Jimcihii baahiyay muuqaal muujinaya Fedorov oo lagala baxayo xafiiskiisa isagoo indhaha ka xiran.

XAYEYSIIN

Waxaana la sheegay in sababta ay u afduubteen ciidamada Ruushka ay tahay in uu diiday in uu la shaqeeyo maadama ay iyagu halkaa qabsadeen.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo mayarka magaalada Melitopol.

Khudbad markii madaxweynaha khudbad ka jeediyay teleefishinka qaranka, wuxuu si toos ah ula hadlay madaxda Jarmalka iyo Faransiiska isaga oo kusoo hadal qaaday duqa la afduubtay, wuxuuna ka codsaday hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka inay arrintan Moscow u soo bandhigaan.

Melitopol, oo ku taal koonfurta Ukraine, waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ugu horreeyay ee gacanta u galay Ruushka markii uu ku duulay halkaas.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa bilowday afar iyo labaatankii bishii hore, isagoo ku andacoonaya inuu ka cabsi qabo in Ukraine ay ku biirto ururka gaashaanbuurta Nato.

Madaxweynaha Ukraine, Zelensky wuxuu sheegay in duqa Melitopol, Fedorov uu”si geesinimo leh u difaacay Ukraine iyo dadkiisa.”

“Tani waa astaan cad oo muujinaysa daciifnimada kuwa soo duulay, waxay wajaheen heer cusub oo argagixisanimo ah, waxay isku dayayaan inay ka takhalusaan mas’uuliyiinta sharciga ah ee Ukraine,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Fodorov ayaa u xaqiijiyey BBC, maalmo ka hor, in maamulkiisa uusan marnaba la shaqayn doonin Ruushka.

Waxa uu sheegay in “Kooxihii ku soo duulay ay soo weerarayaan xafiiskiisa, kadibna ay baarayeen, iyagoo meesha ka saaray shaqaalihii xafiiska”.

@Bbc