Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Safar ugu baxay Maraykanka

Hargeysa -(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu baxay waddanka Maraykanka oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.
Madaxweyne Biixi oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Ganacsiga Md Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Degaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Dr Jaamac Muuse Jaamac iyo xubno ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland, ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee caasimadda Hargeysa, iyaga oo ku wajahan carriga Maraykanka, waxana Maraykanka gudihiisa kaga biiri doona Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hargeysa,  safarka madaxweynaha iyo weftigiisa,  ayaa qaadan doona muddo maalmo ah, waxana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo u qorshaysan.
Dhinaca kale, masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya, ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ku soo dhoweeyey Madaarka Addis Ababa oo ay ku sii hakadeen xalay, halkaas oo la filayo inay saacadaha soo socda uga sii dhoofaan dalka Maraykanka oo safarkoodu ku jihaysan yahay.