Ethiopia: 750 qof oo lagu dilay deegaannada Canfarta iyo Axmaarada

Ethiopia-(Berberanews)-Ugu yaraan 750 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay waqooyiga gobollada Canfarta iyo Axmaarada qeybtii labaad ee sannadkii hore, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee Itoobiya.

In ka badan kala bar ayaa ku dhintay duqeymo xagga cirka ah iyo rasaas culus, ayay tiri. Inta soo hartay waxay ku dhinteen dilal ka baxsan sharciga.

Waxa ay sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Tigrayga dariska la ah ay jidhdil iyo kufsi u geysteen dad rayid ah.

In ka badan 4,000 oo dugsi ayaa la burburiyay iyadoo ku dhawaad ​​2,400 oo xarumo caafimaad ay shaqada u joojiyeen burburka dagaalka.

Dagaal ayaa ka qarxay Tigray 16 bilood ka hor wuxuuna ku fiday gobolada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

Berberanews.com
Info@berberanews.com