Ciidammada Somaliland oo gacanta ku dhigay Haramcad sifo sharci-darro ah looga ganacsanayey

Hargeysa  -(Berberanews)-Ciidammada booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 4 harimacad iyo shan nin oo doonayey inay sifo sharci-darro ah dibadda ugu dhoofiyaan maanta.


Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo shir-jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda Hargeysa, ayaa sheegtay wasaaradeeda oo kaashanaysa ciidammada booliska ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan 4 harimacad oo sifo sharci-darro ah looga ganacanayey.


“Maanta waxa la soo qabtay 4 harimacad. 5 nin ayaa lagu soo qabtay, waxayna ahayd guul weyn oo wasaaradda iyo dadkii nala shaqaynayeyba runtii u soo hoyatay, waayo wuxuu ahaa hawlgal adag,” ayey tidhi Wasiir Baandare.
Sidoo kale, Wasiirka Degaanka, ayaa u mahad celisay muwaaddiniin ay xustay inay halganka qabashada ganacsatada ugaadha ka caawiyeen, iyadoo sheegtay in dadkaasi ay harimacadka iyo qoladii dhoofinaysayba gacanta ku dhigeen ciidammada booliska Somaliland.
Wasiirku waxa ay intaas ku dartay in eedaysanayaasha la horgeyn doono maxkamad, sharcigana la marin doono, waxayna ku dardaarantay in ugaadha duurka loo daayo.
Ka ganacsiga duur-joogta, ayaa sharci-darro ka ah carriga Somaliland, waxana dhacda in sannad kasta gacanta lagu dhigo noocyada kala duwan ee duur-joogta oo la dhoofinayo.