Maraykanka oo walaac weyn ka muujiyay gantaalaha Kuuriyada Waqooyi

USA-(Berberanews)-Maraykanka ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay dhawaan tijaabisay qaybo ka mid ah habka cusub ee gantaalaha ballistic-ga ah ee qaaradaha isaga kala goosha (ICBM), taasoo ay ugu yeedhay “kor u kac halis ah”.

Pyongyang waxa ay sheegtay in ganitaanka gantaalaha oo dhacay 26-kii February iyo 4-tii March ay diiradda saareen horumarinta dayax-gacmeedka wax sahmiya.

Laakiin Pentagon-ka ayaa hadda sheegaya in tijaabooyinku ay ahaayeen kuwo hordhac u ahtijaabo, ka hor inta aan si buuxda loo bilaabin ICBM.

Iyada oo leh ugu yaraan 5,500km (3,417 mayl), ICBMs waxay gaadhi karaan Mareykanka, Waxaa loo qaabeeyey gaadhsiinta hubka nukliyeerka.

Khamiistii, af hayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay labada tijaabo “ku lug lahaayeen hannaan cusub oo gantaalaha ballistic-ga ah ee isaga kala goosha qaaradaha”.

Daahfurku midna ma soo bandhigin baaxadda ICBM ama kartida, laakiin tijaabooyinka ayaa la sameeyay “si loo qiimeeyo nidaamkan cusub ka hor inta aan la samayn mid buuxa mustaqbalka,” ayuu yidhi Mr Kirby.

“Maraykanku waxa uu si adag u cambaaraynayaa duullaanadan, kuwaas oo si badheedh ah ugu xad-gudbay qaraaro badan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo aan loo baahnayn kor u qaadida xiisadda, khatarna u ah inay khalkhal galiyaan xaaladda ammaan ee gobolka.”

Kuuriyada Koonfureed iyo Japan labaduba waxay xaqiijiyeen hadalka Mareykanka waxayna cambaareeyeen Pyongyang.

Berberanews.com
Info@berberanews.com