Booliska Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadlay Sheekh caan iyo qoyskiisa oo la la’yahay

Hargeysa-(Berberanews)-Muddo saddex maalmood ah ayaa la la’yahay Sheekh Aadan Sunne meel uu jaan iyo cidhib dhigay isaga iyo qoyskiisiiba.

Aadan Sunne oo ka mid culimada reer Hargeysa ayaa lagu war helay in isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban 7 hablood, 2 laba wiil iyo xaaskiisa ay ka maqan yihiin guri ay ka deganaayeen koonfurta caasimadda Hargeysa.

Ehelada Sheekh Sunne ayaa sheegay in aanay garayn meel ay ku maqan yihiin wadaadka iyo xubnaha kale ee qoyskiisa.
Saraakiil Booliska Somaliland ka tirsan oo warbaahintu la xidhiidhay ayaa xaqiijiyey in aan wadaadkaas la xidhin, isla markaana socdaan baadhitaanno ay ku ogaanayaan halka uu ku maqan yahay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore xidhay Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah dadka ku dooda in waddanka lagu xukumo Shareecadda Islaamka, isagoo sidoo kalena marar kala duwan taageeray dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya.