“Labadan kornayl maxay iska iibiyeen?” Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali-waraabe oo markale aad uga qayliyey kala horreysiinta doorashooyinka furista ururrada iyo Madaxtooyada

Hargeysa -(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali-waraabe, ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi inuu dhibaatooyin geystay intii uu xilka hayey, haatanna doonayo in uu muddo-kordhis samaysto, sidoo kalena uu ballantii doorashada kaga baxay.

Faysal Cali-waraabe waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi noqoday madaxweynihii ugu mucaaradada yaraa, isla markaana ay mucaaradada  ka yareeyeen, balse taas beddelkeeda uu sabab u noqday in caalamku Somaliland ka jeedsadaan.
“Muuse wuxuu noqday madaxweynihii ugu nasiibka badnaa ee ugu mucaaradada yaraa, mucaaradada waannu ka ilaalinnay, markaannu aragnay siduu u socdo ayaannu nidhi si nabadgelyo ah doorashooyinku haku dhaceen, sidaas oo kale ayey ajinabigii ka niyad jabeen. Somaliland waa laga jeedsaday, Muuse markii la arkay.” 
Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha ku eedeeyey inuu sabab u noqday in shacabka Somaliland ay niyad jabaan oo ay Xamar u doontaan kuraas.
“Shacbigii reer Somaliland wuu qaybiyey, eex qabyaalad, caga juglayn, xadhig. Waxaynu gaadhnay maanta xilli doorashada Xamar ka dhacaysa, ee bakhtiga ah, ee loo bixiyey Dir-woqooyi loo kala dheeraynayo. Taas waxa keentay niyad jab uu dalka ku riday Muuse Biixi,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu musharax Cirro kula heshiiyey in doorashooyinkii la guda galo, balse uu ballantii kaga baxay “Madaxweynuhu wuu nagaga baxay ballantii, Cirro waxay ku soo heshiiyeenna wuu ka baxay.”
Guddoomiye Faysal ayaa ku eedeeyey madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha in ay ku heshiiyeen in Biixi laba sanno loo kordhiyo, kadibna Kaahin la saaro madaxnimada “Labadan kornayl maxay iska iibiyeen? Waxay iska iibiyeen, haddaan Muuse ahay mar labaad ordi maaye, 2 sanno oo kordhis ah ayaan rabaa, kadibna adigaan ku sharraxayaa.”

Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa aad uga soo horjeestay doonista xukuumadda Somaliland ee ku aaddan in doorashada ururrada laga soo horreysiiyo,doorashada madaxweynaha.