“Anigu werwer ayaan ka qabaa Safarka Madaxweynaha Somaliland” Pro. Ismaacil Buubaa

Hargeysa-(Berberanews)-Pro. Ismaacil Hurre Buubaa ayaa waxa uu walaac ka muujiyay in Madaxweyne Muuse Biixi safar ku tago dalka Maraykanka wakhtigan waraysi uu siiyay MM-TV ayuu ku yidhi,

“Anigu Werwer ayaan ka qabaa Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka.

Madaxweynuhu markuu tago Maraykan siduu ugu qanciyo Qadiyada Somaliland Soomalida kale ayay ku xidhan tahay horumarinta Qadiyada Somaliland.

Waxa la gaadhay wakhtigii aynu danta u soo noqon lahayn danta Somaliland maaha mid ka baxsan danta Soomaliyeed.’

Fikirkaygu waxa weeyan dadka Soomaliyeed ma kala maarmayaan haday wada joogayaan iyo haday kala tagayaana waa arrin u taala iyaga.

Qoomiyadaha Geeska Afrika waxay isku abaabulayan sidii ay wax u wada qabsan lahaayen sidaas awgeed hadii loo eego mustaqbalka dheer horena waxaan u idhi iminkana leeyahay Umadda Soomaliyeed ee geeska Afrika ku nool danbaa isku haysa dantooduna waxay ku jirtaa inay wax wada qabsadaan.

Waxaynu u baahanay Somaliland midaysan, Somaliland midaysana waxay u adegaysa Soomali midaysan.

Anigu waxaan u arkaa Soomaliland qadiyadeedu inay noqoto mid hoogamisa Soomali, Oo Somaliland midaysan, Wax qabsatay, Oo dhisan ay jirto taasina waxay imanaysaa iyadoo ogaata inaanay ka maarmayn kuwa kale.

Somaliland gudaheeda ha hagaajiso hana isu diyaariso Soomalida Geeska Afrika cid hoogamisa ayaa la doonayaaye inay hoogamiso Soomalida Geeska Afrika.”