Hargeysa -(Berberanews)-Afhayeenka Xisbiga talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE Mr Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa markale xoojiyey ka go’naashaha xisbigiisa ee ku aadan in ururrada siyaasadda la furo ka hor doorashada madaxtooyada Somaliland.
Afhayeenka KULMIYE ayaa sheegay in doorashooyinka Somaliland uu xeer jidaynayo sida ay u qabsoomayaan.
“Waxan rabaa in aan shacabka u sheego in dalkan Jamhuuriyadda Somaliland doorashooyinkiisu ku qabsoomaan waajib sharci, markasta oo ay yimaaddaana hay’adaha awoodda u leh mid kastaaba uu guto waajibkiisa.”
Waxa uu sheegay in saddexda xisbi ee hada jira uu waqtigoodii sii dhammaanayo, isla markaana loo baahan yahay in haatan la furo ururrada siyaasadda si loo helo saddex xisbi oo cusub.
“Iminka waxa taagan muddo xileedkii saddexda xisbi qaran oo ahayd 10 sanno, waxana uu qaanuunku waajibinayaa in ururradii la furo, si saddex xisbi qaran oo shahaado xisbi haystaa ay 10 ka sanno ee soo socda ay usoo baxaan,” ayuu yidhi Buuni.
Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa iskaga soo horjeeda xilliga la qabanayo doorashada ururrada.