Sirdoonka Maraykanka oo ka digay qorshe Madaxweyne Putin damacsan yahay

Washington -(Berberanews)-Saraakiisha sare ee sirdoonka dalka Maraykanka, ayaa sheegay in guuldarrooyinka millatari ee Ruushka ka soo gaadhay duullaanka Ukraine oo ay weheliso cunaqabatayn dhaqaale oo curyaamisay Moscow ay u badan tahay inay ku dhiirrageliso Madaxweyne Vladimir Putin inuu dagaalka magaalada Kyiv u adeegsado awood culus.
Sida lagu sheegay qiimayntii ugu dambaysay ee saraakiisha sirdoonka Mareykanka soo saareen shalay, waxa uu Putin sidoo kale adeegsan doonaa awood aan kala sooc lahayn.
Saraakiishu waxay sawir aan fiicneyn ka bixiyeen xaaladda Ukraine intii lagu jiray dhageysiga Congress-ka oo ku saabsan qiimeynta khataraha sannadlaha ah ee sirdoonka Mareykanka maalintii Salaasada, iyagoo ka digaya inkasta oo ay sii kordhayaan iska caabbin adag, haddana magaalooyin badan ay wajihi doonta rajo xumo sii kordheysa.

Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa laga yaabaa inay ka dhammaan karaan cuntada iyo biyaha muddo 10 maalmood gudahood ah sida ay ku doodayaan sirdoonka Maraykanku.
“Waxay xaaladdu noqon doontaa wax aad u fool xun toddobaadyada soo socda,” ayuu yidhi Agaasimaha CIA-da Mr William Burns, isaga oo ku tilmaamay Ukraine arrin ku saabsan xukun oo hoggaamiyaha Ruushku si qoto-dheer oo shaqsi ah u taabaneysa.
“Putin waxa ka go’an inuu xukumo Ukraine iyo inuu qaabeeyo jihada ay hiigsaneyso,” ayuu sii raaciyey Agaasimaha CIA-da Maraykanka Mr Burns.
Saraakiisha sirdoonka iyo kuwa Pentagon-ka ee Maraykanka, ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegay niyad-jabka sii kordhaya ee ciidammada Ruushka, kaas oo gaadhay ilaa Putin oo filayey in Kyiv ay ku dhaco gacanta Ruushka hal ama laba maalmood gudahood, laakiin taas beddelkeeda, ciidammada Ruushku ay arkeen duullaankoodii oo istaagay iyagoo la il daran inay fuliyaan waxa ay saraakiisha Maraykanku ku tilmaameen qorshe si xun loo qaabeeyey iyo sidoo kale dhaawacyada inta u dhexaysa 2,000 iyo 4,000.

Berberanews.net
Info@berberanews.com