Wasiirka kayd oo shaqada ka joojiyey Wakiilkii Somaliland ee dalka Faransiiska

Hargeysa  -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr  Ciise Kayd Maxamuud, ayaa shaqada joojiyey Wakiilkii Somaliland u joogay dalka Faransiiska, kadib waraysi uu dhowaan bixiyey.

Warkan oo uu baahiyey Telefishanka Horyaal ayaa intaas ku daray in shaqo joojinta diblomaasigu ka dambaysay kadib markii waraysi uu wakiilku bixiyey dhowaan ku sheegay inuu mar walba taageersan yahay  dalka Jabuuti, xataa haddii ay Jamhuuriyadda Somaliland iska horyimaaddaan.