Sweden oo diiday inay ku biirto gaashaanbuurta NATO

#Stockholm, March 08, 2014 (Berberanews)- Raysal-wasaaraha dalka #Sweden Magdalena Andersson ayaa ku gacan-saydhay baaqyada mucaaradka ee ahaa inay ka fiirsadaan inay ku biiraan #NATO, ka dib markii uu Ruushku galay dalka #Ukraine, iyadoo sheegtay in codsi hadda la keeno uu khalkhal gelinayo ammaanka Yurub.

#Sweden ayaan dagaal ku jirin tan iyo 1814-kii, waxayna siyaasaddeeda arrimaha dibadda ku dhistay ka-qeybgal la’aanta xulafada militari, balse waxay xidhiidh dhow la sameysatay NATO sannadihii u dambeeyay, iyadoo xiisadda Ruushka ee gobolka Baltic ay sare u kacday.

Duullaanka Ruushku ugu yeedhay “Hawlgal milateri oo gaar ah” ayaa dib u soo cusbooneysiiyay baaqyada ku aaddan in Sweden ay ku biirto NATO, iyadoo la safan Finland oo iyaduna ka baxsan Midowga Yurub.

“Haddii Sweden ay dooran lahayd inay soo dirto codsi ah inay ku biirto NATO xaaladda hadda jirta, waxay sii xumaanaysaa xasilloonida aagga Yurub waxayna kordhinaysaa xiisadda,” Andersson ayaa u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan caddeeyey muddadaas oo dhan in waxa u wanaagsan ammaanka Sweden iyo ammaanka gobolkan Yurub ay tahay in dawladdu leedahay siyaasad mustaqbalka fog ah, joogta ah oo la saadaalin karo, taasina waa rumayntayda joogtada ah.”

Ruushku ma doonayo in Finland ama Sweden ay ku biiraan NATO, dabayaaqadii bishii hore, Moscow waxay samaysay digniinteedii ugu dambaysay ee “cawaaqibka militariga iyo siyaasadda” haddii ay sidaas sameeyaan.

Andersson ayaa hadashay ka dib markii ay la kulantay madaxda xisbiyada mucaaradka si ay ugala hadasho xaalada amni ee sii xumaanaysa.

Ra’yi ururin Jimcihii uu sameeyay Demoskop oo uu soo diyaariyay wargayska Aftonbladet ayaa muujisay in 51% dadka iswiidhishku ay taageersan yihiin xubinnimada NATO, halka ay 42% ka ahaayeen bishii January. Dadka ka soo horjeeda ku biirista ayaa hoos uga dhacay 27% 37%. Waa markii ugu horreysay oo ra’yi ururin noocan oo kale ah ay muujiso aqlabiyadda taageerada.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com