Soomaaliya: DP World oo Shirkad cusub ku wareejisay maamulka Dekedda Boosaaso

Boosaaso -(Berberanews)-Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo shirkadda Imaaraadka Carabta leeyahay ee DP World, ayaa ku heshiiyey in maamulka dekedda Bosaso laga wareejiyo shirkadda B&O oo muddo shanno ah gacanta ku haysay dekeddaas.

Waxa maamulka dekedda Boosaaso lagu wareejiyay shirkad aan weli magaceeda la shaacin sida uu sheegay wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.

Shirkadda B&O ayaa lagu eedeeyey inay ku fashilantay heshiiskii dekeda Bosaso oo ahaa in dhismaha ballaadhinta dekedda la bilaabo, inkastoo arrintaasi ay saamayn ku yeelatay dilkii madaxii shirkadda B&O, Paul Farmosa oo Bosaso lagu dilay February 2019.

Wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in shirkadda cusub ay dhowaan si rasmi ah shaqadeeda u bilaabi doonto.
Ganacsatada Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo heshiiska DP world, iyagoo sheegay inay maalgashi ku sameysanayaan dekedda Bosaso.

Laakiin arrintaas Puntland ma aanay aqbalin, waxayna sheegtay in ay weli tixglinayso heshiiska DP World.