Poland oo siinaysa diyaaradaha dagaalka MiG-29 dalka Ukraine

Poland-(Berberanews)-Poland ayaa sheegtay inay diyaaradaheeda dagaalka ee MiG-29 ku wareejin doonto Maraykanka, taasoo markaas la filayo inay ugu deeqdo #Ukraine iyada oo ay hay’adaha sirdoonka ka digayaan in Vladimir Putin uu ku dhow yahay inuu “laba jibaaro” duullaankiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Poland, Zbigniew Rau, ayaa sheegay in dawladdiisu ay “diyaar u tahay in ay si degdeg ah oo lacag la’aan ah u geyso dhammaan diyaaradooda MiG-29 saldhigga hawada ee Ramstein oo ay geliyaan gacanta dawladda Mareykanka” .

#Poland ayaa loo malaynayaa inay haysato 28 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee xilligii Midowgii Sofiyedka, waxayna wada xaajood kula jirtay maamulka Biden heshiis saddex geesood ah oo ay Ukraine ku siinayso tamarta hawada, iyadoo shuruud looga dhigay in MiG-ga loogu beddelo diyaaradaha cusub ee Maraykanka.

Heshiisku waxa uu saamayn ku leeyahay khatarta aargoosiga Ruushka ee Maraykanka, kaas oo go’aamin doona sida iyo goorta loo gacangelinayo ciidamada cirka ee Ukraine.

“Poland waxa ay Maraykanka ka codsanaysaa in uu na siiyo diyaarad la isticmaalay oo leh awoodo hawleed oo u dhigma,” Rau ayaa ku yidhi hadal uu ku soo qoray bogga wasaaradiisa.

“Poland waxay diyaar u tahay inay isla markiiba dejiso shuruudaha iibsashada diyaaradaha.”
Berberanews.com
Info@berberanews.com