Madaxweyne Biixi: “Somaliland cidna dagaal ku bilaabi mayso, laakiin..”

Hargeysa  -(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markale ka hadlay suurtogalnimada dagaal dawladda Soomaaliya ku soo qaaddo dalkiisa Somaliland, isla markaana cashar u dhigi doonaan.

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad loo sameeyey saraakiil cusub oo ka qallin-jabiyey Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska ee Madheera maanta, waxa uu sheegay in Somaliland ay iska difaaci doonto dagaal kasta oo kaga yimaad Soomaaliya.

“Somaliland cidna dagaal ku bilaabi mayso, laakiin qolada Soomaaliya oo aad innooga soo horjeeddaa haddii ay dagaal ka maarmi waayaan, casharkii aynu aabbayaashood u dhignay mid lamid ah ayeynu u dhigi doonnaa haddii Allaah yidhaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waa markii labaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hadlo dagaal kaga yimaad dhinaca dawladda taagta daran ee Soomaaliya toddobaad gudihii, kadib markii safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Shinaha uu ku hanjabay in Somaliland cawaaqib xumo kala kulmi doonto xidhiidhka ay la leedahay dalka Taiwan.


Sidoo kale, rag uu ka mid yahay safiir hore oo Soomaaliya u fadhiyi jiray Maraykanka iyo saraakiil ka tirsanaa taliskii xasuuqa ee dawladdii Kacaanka, ayaa marar kala duwan ku baaqay in Somaliland xoog loo isticmaalo.
Hadalladaas xanafta iyo cadaawadda leh ee beryahan dambe ka soo yeedhaya masuuliyiinta iyo xubnaha ka tirsan maamulka maamulka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa u muuqda qaar si weyn uga cadhaysiiya guud ahaan bulshada dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo aan weligood illaawi doonin xasuuqii iyo dhibaatooyinkii aan tirada lahayn ee uu kula kacay taliskii dhiigyacabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.