Madaxweynaha Somaliland Oo Derejooyin Ku Taxay 253-Sarkaal Oo ka qalinjebiyey Dugsiga Mandheera

Mandheera-08-03-2022-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tabobar usoo xidhay 253 (Laba boqol iyo saddex iyo konton) sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Booliska, Laanta socdaalka iyo ilaalada xeebaha, kuwaas oo dhammaystay tabobar layli sarkaalnimo ah.

Munaasibadda tabobarkan oo lagu qabtay gudaha dugsiga tabobarka ciidanka ee Mandheera, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, macallimiinta dugsiga, saraakiisha qalinjebinaysay iyo marti-sharaf kale, waxana goobta lagu bogaadiyey saraakiisha qalinjebisay iyo macallimiinta ku tacabtayba.

Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay saraakiil sarsare oo katirsan macallimiinta dugsiga Mandheera iyo madaxda Booliska u qaabilsan dhinaca tabobarrada, ayaa ku dheeraaday marxaladihii ay soo mareen saraakiisha maanta kulliyadda ka qalinjebiyey ee derejooyinka loo xidhay, waxana ay bogaadiyey dhallinyarada qalinjebisay oo ay ku tilmaameen mustaqbalkii ciidamada kala duwan ee dalka.

Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, Ilaalada Xeebaha Sarreeyo guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo Laanta socdaalka Sarreeye guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey saraakiisha dhallinyarada ah ee maanta ka qalinjebiyey kulliyadda tabobarka, waxana ay usoo jeediyeen inay aqoonta ay barteen uga faa’iideeyaan shaqada ay bulshadooda u hayaan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey saraakiisha dhallinta yar ee maanta qalinjebiyey, waxana uu tilmaamay in qaranku wakhti badan geliyey sidii ay halkan usoo gaadhi lahaayeen, una yeelan lahaayeen quruxda derejooyinka garbahooda ku taxan.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey dhallinyarada saraakiisha ah ee maanta qalinjebisay, isaga oo si gaar ah u ammaanay hablaha kamidka noqday saraakiisha dallacday oo uu ku sifeeyey kuwo ka dedaal badan ragga oo isa soo saaray.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Saraakiisha qalinjebisay usoo jeediyey inay guntadaan waanada iyo waxsheegga taliyeyaashoodu ujeediyeen, isaga oo ku hambalyeeyey inay gaadheen hammigoodii ciidanka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad iyo Aad baan idiin hambalyeynayaa, wixii dardaaran, duco iyo waano  la idin siiyey, Alle ha idinku anfacee idinkuna guntada, hablaha kasoo qaybgalay tabobarkana waan hambalyeynayaa.”

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu derejooyinkii ay xaqa u lahaayeen ku taxay saraakiisha dhallinyarada ah ee maanta ka qalinjebiyey kulliyadda Mandheera, kuwaas oo isugu jira Rag iyo Hablo, islamarkaana qaatay derejooyin kala ah Xiddig iyo laba xiddigood.