“Waxaan ciqaabi doonaa cid kasta oo xasuuq ka geysatay dagaalkan” Zelensky

Ukraine-(Berberanewa)-Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in la ciqaabi doono qof kasta oo gaysta xadgudub ka dhan ah shacabka Ukraine.

Waxa uu sheegay in dadka Ukraine aanau cafin doonin ama ilaawi doonin, waxaana uu ku eedeeyay ciidamada Ruushka ee soo duulay dil ula kac ah.

“Ma jiri doonto meel xasiloon oo dhulka ah oo aad ku noolaan doonto, marka laga reebo qabriga,” ayuu yishi madaxweynaha.

Saraakiisha #Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu duqaynayo badhtilmaameedyada rayidka ah ee waddanka oo dhan, oo ay ku jiraan isbitaallada, xannaanooyinka, iyo dugsiyada.

Mr #Zelensky wuxuu sheegay in bedelkii cafiska ay jiri doonto maalin xukun. “Ma cafin doono, ma hilmaami doono, waxaan ciqaabi doonaa cid kasta oo xasuuq ka geysatay dagaalkan dhulkeena ka socda” ayuu yidho Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in Ruushku uu ku dhawaaqay duqeymo ka dhan ah badhtilmaameedyada difaaca ee laga dhisay magaalooyin xilliyadii Soviet-ka.

“Kumanaan qof ayaa ka shaqeeya halkaas, boqolaal kun ayaa ku nool meel u dhow, tani waa dil, dil qorsheysan,” ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay dowladaha reer galbeedka oo uu sheegay inay ka gaabiyeen inay ka hadlaan qorshahan.

Berberanews.net
Info@berberanews.com