Dab weyn oo ka kacay dabaqyo London ku yaal

#London -(Berberanews)-Dab xooggan ayaa ka kacay dabaqyo dhaadheer iyo xafiisyo ku yaalla bariga magaalada #London, iyadoo muuqaal laga soo duubay ay muujinayaan burbur xooggan oo dhulka ku dhacaya.

In ka badan 125 dab-damiyayaal ah ayaa jooga daarta ku taal Whitechapel High Street, ee Bariga Aldgate, iyadoo Kooxda Dabdemiska London (LFB) ay dadka ka dalbadeen inay ka fogaadaan aagga.

Waxaa la arkayay Olol weyn oo ka sii shidmaya dabaqa 17-aad ee dhismaha. Mid ka mid ah goobjoogaha ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Dab weyn oo ka kacay #aldgate muraayado waaweyn oo 100m mitir dhulka u dhacay, muuqaallo aad u xun.”

Ilaa 20 matoorada dabdamiska ayaa goobta jooga waxaana dabdemiyayaashu isticmaalayaan jaranjarooyon gaaadhaya 64m (210ft).

Bilayska caasimadda ayaa sheegay in dhismaha laga daadgureeyay dadka. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan dhaawaca.

Adeegga Ambalaaska ee London ayaa dadka kula talisay inay daaqadaha xidhaan oo ay gudaha joogaan Wadooyinka aagga qaarkood ayaa xidhan, iyadoo Whitechapel High Street ay xidhan tahay inta u dhexeysa Waddada Ganacsiga iyo Old Castle Street. Waddada ganacsiga ayaa iyana xidhn.

Dabdamiska ayaa sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn waxa sababay dabka.
Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa sheegay in uu xidhiid dhow la sameeyay Guddoomiyaha Dab-damiska Andy Roe wixii ku saabsan waxa soo kordha waxaanu dadka reer London u soo jeediyay inay la socdaan @LondonFire wixii ku soo kordha ayuu yidhi.