Boqollaal qof oo laga daadgureeyay Dabka ka kacay Florida

Florida-(Berberanews)-Boqolaal ka mid ah dadka degan gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa laga daadgureeyay guryahoodii ka dib markii uu dab qabsaday dhir engegay oo halkaasi ku dhuftay.

Dabka ka kacay guud ahaan gobolka Panhandle ee Florida Isniintii wuxuu gubay 4,800 hektar (12,000 acres) oo dhul ah waxaana la xakameeyay boqolkiiba 10 sida uu dabku u gubay meel u dhow bulshooyin ku yaal bariga magaalada Panama.

afhayeenka Adeegga Kaymaha ee Florida Joe Zwierzchowski ayaa yidhi. “Waxaan haysanaa maalin kale oo dabaylo dab ku soo riixayaaan deegaankan,” ayuu yidhi shir jaraa’id.

“Korodhka daruurta ina daboolka, qoyaanka kordhay waa inuu gacan ka geysto hoos u dhigista qaar ka mid ah dabeecadda dabka ee aan aragnay.”

Wax dhaawac ah ama dhimasho ah lama soo sheegin.

Dabka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo saameynta abaaraha iyo isbedelka cimilada ee qeybo badan oo ka mid ah Mareykanka.

Khubarada ayaa rumeysan in dabkii ugu dambeeyay uu ka dhashay dhir engegtay iyo alwaax ay ka tagtay duufaantii Michael, taasoo ku dhufatay Panhandle sanadkii 2018-kii.

Duufaanta 5-aad ayaa ka tagtay ilaa 72 milyan oo tan oo dhir qaro weyn leh, kuwaas oo ay qallajiyeen xaaladaha abaareed ee deegaanka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com