Somaliland: Komishanka Doorashooyinka oo Kulan wadajir ah la Yeeshay Madaxda saddexda xisbi

Hargeysa  -(Berberanees)Kominshanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan wadajir ah la yeeshay madaxda saddexda xisbi qaran ee  UCID, WADDANI iyo KULMIYE gelinkii hore ee maanta.
Arrimaha kulanka lagaga wadahadlay waxa ka mid ah diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo arrimo kale oo la xidhiidha hawlaha diyaargarowga doorashooyinka.