Somalia: Shariif Xasan oo loo diiday inuu ka dhoofo Baydhabo

MUQDISHO-(Berberanews)-Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay maanta in loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baydhaba si uu ugu tartamo kursi ka mid ah baarlamaanka oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan ayaa arrintan ku eedeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sidoo kale waxaa VOA la xidhiidhay mas’uul ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed oo sheegay inaanay xilligan ka hadlaynin.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Halkan ka dhegayo

Warka shariif xasan sheekh