Ruushka oo duqeeyay garoon diyaaradeed ukraine ku yaal

Ukraine-(Berberanews)-Gantaalo badan oo Ruushku leeyahay ayaa Axaddii burburiyay garoon diyaaradeed oo rayid ah oo ku yaalla magaalada Vinnytsia ee badhtamaha dalka Ukraine, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

“Hadda waxaa la ii sheegay in sideed gantaal lagu weeraray Vinnytsia… Gebi ahaanba gegida dayuuradaha ayaa burburay,” ayuu yidh Axadii, maalintii 11-aad ee duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay inuu weeraray goobo rayid ah.

Dhowr magaalo iyo saldhigyo ciidamada cirka ee Ukraine ayaa la duqeeyay, ama lagu garaacay gantaalaha ballistic-ga tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaankiisa.

Vinnytsia waxay ku taal aagga galbeedka ee badhtamaha Ukraine, oo ka fog xudduudaha Ruushka iyo Belarus, aag ay ku yaraadeen weerarada noocaan oo kale ah.

Moscow ayaa ololaha ay bilowday 24-kii February ku tilmaantay “howlgal ciidan oo gaar ah”, iyadoo sheegtay in aanay qorshaha ugu jirin in ay qabsato dalka Ukrain oo mar ka tirsanaan jirtay Midowgii Sofiyeeti ee ay Moscow gacanta ku haysay, balse hadda u soo jeestay dhanka reer galbeedka oo doonaya in ay xubin ka noqdaan NATO. iyo Midowga Yurub.

Zelenskyy waxa kale oo uu dib u cusboonaysiiyay dalabkiisii ​​ahaa in quwadaha reer galbeedku ay xoojiyaan aagga duulimaadka ka caagan ee Ukraine si looga hortago weeraro kale oo Ruush ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com