Xogo diblomaasiyadeed iyo dagaal ka dhan ah Somaliland

Shiinaha oo bilaabay dagaalkiisa ku wajahan Somaliland   kadib markii natiijo la’aan ay ku soo dhamaatay dadaal uu ugu jiray isku soo dhawaanshaha Hargeisa iyo Beijing, oo maalmihii u danbeeyay socday.

Shiinaha ayaa bilaabay in uu ku go’doomiyo Somaliland gobolka Geeska.

Dhaqaale dib u dhis ah ayuu ugu yaboohay Soomaaliya.

Suaasha muhiimka ah ayaa ah maxay dhaafsatay Somaliland dagaalka ay kula jirto wadanka aduunka ugu xoogwayn dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada?

Ninkan indhaha yaryar ee hoos idinka soo eegayaa waa dublamaasi sare oo Shiine ah, todobaadkii hore ayuu Madaxwaynaha Shiinahu u magacaabay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan wadanka Shiinaha. Waajibaadka ugu wayn ee Ergayga Shiinaha Geeska Afrika ayaa ah in uu Somaliland jilbaha dhulka ugu dhufto, Shiinaha ayaa xidhiidh adag la leh wadamada xadka la wadaaga Somaliland ee Itoobiya iyo Djibouti, Shiinaha ayaa 2daa wadan  amaahiyay $7 billions oo uu ugu dhisay xadiidka tareenka dheereeya ee isku xidha Djibouti iyo Addis Ababa, ugu soo saaray Itoobiya Shidaalka Gobolka Soomaalida Itoobiya, ugu dhisay Djibouti Deked Containers iyo FreeZone.