Ruushka oo ku dhawaaqay xabbad-joojinta laba magaalo oo Ukraine ku yaal

Ukraine-(Berberanews)-Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruusha ayaa labo magaalo oo ku yaalla Ukraine kaga dhawaaqday xabad joojin ku meel gaadh ah iyo inay fureyso marinada gargaarka shacabka laga bilaabo 10:00 subaxnimo wakhtiga Moscow.

Mariupol waa deked leh, maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku hareereysnaa ciidamada Ruushka, sidoo kale waxay dagaallo ka dhaceen magaalada Volnovakha.

Mar sii horreysay duqa magaalada Mariupol wuxuu codsaday in shacabka loo ogolaado in halkaa ay isaga baxaan kadib waxa uu ku tilmaamay go’doominta ciidamada Ruushka ee magaalada.

Dhinaca kale, qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay magaalada Kharkiv.

Ukraine oo ruushka ku eedaysay inuu jebiyay xabbad-joojinta

Ra’isal wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa Ruushka ku eedeysay inaanu dhowrin xabbad joojinti ku meel gaadhka ahayd ee laga gaadhay magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

Iryna waxay sheegtay iney ciidamada Ruushka ay billaabeen madaafiic iney ku garaacaan magaalada Volnovakha.

Ku xigeenka duqa magaalada Mariopoli Sergie Orlov oo BBC u warramay ayaa sheegay Ruushka inuu ku xadgudubay xabbad joojinta arrimaha bani aadanimada loo gaaray iyaga oo weli magaaladaasi ku hareereysan xilli ay maamulka magaaladaasi qorsheynayaan hirgelinta qorshaha ay shacabka magaaladaasi ka qaxaya si nabad ah uga saarayaan.

Srgie wuxuu walaac ka muujiyey amniga waddada ay sii marayaan dadka magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

Wasaaradda Gaashaan dhigga Ruushkana waxay sheegtay iney labada dhinac ay ku heshiiyeen in shacabka magaalooyinkaasi loo furo waddooyin ay ku qaxaan.