Madaxweynaha Somaliland oo furay xarun lagu qaabilo cabashooyinka dumarka

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray xarun cusub oo ay cabashadooda ku soo gudbin doonaan haweenka la kulma tacaddiyada iyo gabboodfallada oo laga hirgeliyey caasimadda Hargeysa maanta.
Xaruntan ayaa noqon doonta mid dumarka tacadiyada la kulma sida kufsiga ay la xidhiidhi karaan si wax loogu qabto.


Agaasimaha Ururka Haweenka ee Nagaad marwo  Nafiisa Yuusuf Maxamed, ayaa BBC-da u sheegtay in xaruntan lagu tacaali doono kiisaska la xidhiidha kufsiga iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.
Madaxweynaha oo ka hadlay furitaanka xarunta cusub, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wax-ka-qabashada dhibaatooyinka loo geysto dumarka.
“Tacadiga Dumarka ee dhibaatooyinka leh ee caafimaadka khuseeya ee maskaxiyan mooralka khuseeya ee aynaan hore u aqoon soddonkan sanno ee u dambeeyey mooyee waynu ka midaysanahay inaynu ka dagaallanno,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Berberanews.net
Info@berberanews.com