Xaruntii Nuclearka Ukraine oo ruushku duqeeyay

Ukraine-(Berberanews)-Madaxweynaha Ukraine, Zelenskyy ayaa ku eedeeyay Moscow inay maciin biday “argagixiso nukliyeer” ayna doonayso inay “ku celiso” musiibadii Chernobyl ka dib markii uu sheegay in ciidamada Ruushka ay toogteen warshad tamarta nukliyeerka ah.

“Ma jiro waddan aan Ruushka ahayn oo waligiis rasaas ku ridey unugyada tamarta nukliyeerka. Tani waa markii ugu horeysay taariikhda. Taariikhda aadanaha. Argagixisadu hadda waxay miciin bideen argagixisanimada nukliyeerka,” ayuu ku yidhi farriin muuqaal ah.

Magaalada deegaanka Warshada tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine, oo ah tii ugu weyneyd ee nooceeda ah ee Yurub, ayaa gubatay ka dib markii ay weerareen ciidamada Ruushka, sida uu sheegay duqa magaalada Enerdohar.

“Natiijada duqeymaha joogtada ah ee cadowga ee dhismayaasha iyo unugyada warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, Zaporizhzhia Nukliyeerka ayaa gubanaya,” Orlov ayaa sidaas yidhi.

Berberanews.com
Info@berberanews.com