Gavin Williamson: Xildhibaan u ololeeya aqoonsiga Somaliland oo helay abaalmarin qaaliya

London -(Berberanews)-Xildhibaan Gavin Williamson oo ah siyaasi caan ah iyo mudane awood badan oo ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana si weyn ugu ololeeya qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta qaaliga ah ee loo yaqaanno “Knight” oo ay Boqoradda UK siiso shaqsiyaadka lagu sharfo adeegga ay qabteen, iyadoo qofka abaalmarintaas la siiyo magaciisa laga hormariyo “Sir” oo muujineysa inuu yahay shaqsi maamuus weyn ku leh dalkaas.

Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha UK, ayaa shaaciyey xalay warka ku saabsan abaalmarinta lagu maamuusay Sir Gavin Williamson oo hoggaaminayey wefti ka socday Baarlamaanka Ingiriiska oo socdaal shan maalmood qaatay ku tegay Jamhuuriyadda Somaliland laba toddobaad hor, halkaas si aad u weyn loogu soo dhoweeyey, kadib markii uu Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska horgeeyey mooshin goluhu kaga dooday aqoonsiga Somaliland bishii December ee sannadkii la soo dhaafay.

Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan laga soo doortay degaanka Koonfurta Staffordshire, ayaa hore laba jeer looga qaaday xilal wasiirnimo, waxana laga eryey shaqada xukuumadda.
Bishii September ee sannadkii 2021-kii, Ra’iisul Wasaaraha hadda Mr Boris Johnson, ayaa Gavin Williamson shaqada wasiirnimada ka eryey kadiib markii uu isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirrada. Waxa uu markaas ahaa Wasiirka Waxbarashada ee Ingiriiska oo uu hayey intii u dhexeysay 2019-kii ilaa 2021-kii.

Xilligaas ka horna waxa uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee UK.
Waxa uu jagada Wasiirka Waxbarashada ee UK hayey inta badan waqtigii uu jiray cudurka safmarka ah ee Covid-19, waxana si weyn loogu dhaliilay inuu waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada fasallada A-levels iyo GCSEs, laba sanno oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxa lagu cambaareeyey xidhitaanka iskuullada.

Xildhibaan Williamson ayuu magaciisa Soomaalida aad ugu dhex faafay kaddib markii uu bishii Jnauary ee sannadkan Baarlamaanka UK horgeeyey mooshin uu ku doonayey in madaxbannaanida Somaliland lagu aqoonsado.
Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka dooday mooshinkaas, hase yeeshee dawladda UK ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda ku aaddan in arrinta la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ay tahay mid go’aankeeda ay leeyihiin mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda Somaliland.

2019-kii ayuu booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo markaas ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee UK, wuxuuna la kulmay madaxda Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne Muuse Biixi.

Williamson ayaa eedeymo kale ku waayey xilka Wasiirka Gaashaandhigga ee UK.
Ra’isulwasaarihii hore ee UK Therasa May ayaa xilka ka qaadday Gavin sannadkii 2019-kii, kadib markii ay ku eedeysay inuu saxaafadda u dusiyay waxyaabo lagaga hadlay shirka amniga qaranka UK.

Miisaanka Siyaasadeed ee Gavin:
Mp Gavin Williamson waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalka Ingiriiska, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee Ra’isulwasaare Boris Johnson sannadkii 2019-kii.

Gavin ayaa waqtigaas ka hor ahaa Xoghayaha Gaashaandhigga UK xilligii Ra’isulwasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.
Xildhibaan Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday.
Inta uu Wasiirka Gaashaandhigga UK ahaa waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, balse ma aannu dhaafin xerada Xalane oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.