Ukraine oo codsatay gargaar militari.

Ukraine-(Berberanews)-Ka dib markii xulafada NATO ay meesha ka saareen in la sameeyo aag duullimaadyo ka caaggan, cabsi laga qabo in uu dagaal toos ah la galo Ruushka oo ku hubeysan hubka Nukliyeerka, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ugu baaqay reer galbeedka inay kordhiyaan taageerada milateri.

“Diyaaradaha isii haddi aanad lahayn awood aad cirka ku xidho!” Shir jaraa’id ayuu Zelenskyy ku sheegay.

“Ilaah ha daayo, haddii aan halkan sii joogo, Latvia, Lithuania, iyo Estonia ayaa ku xiga,” ayuu raaciyay, isagoo raaciyay in wadahadal toos ah oo lala yeesho Putin ay tahay “sida kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalkan.”

Midowga Yurub ayaa horay u siiyay diyaarado dagaal, ilo ka tirsan dowladda Jarmalka ayaa sheegay in wadanku uu 2,700 oo gantaalada lidka diyaaradaha ah u diri doono Ukraine.

27-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa sidoo kale go’aan ku gaadhay in ay magangalyo ku meel gaadh ah siiyaan dhammaan qaxootiga ka soo cararaya dagaalka Ukraine, kaas oo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in ka badan hal milyan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com