Ukraine-(Berberanews)-Sida laga soo xigtay mulkiilayaasha markabka, qarax ayaa sababay in markab xamuul oo laga leeyahay dalka Estonia uu ku dago magaalada Odesa ee badda madow ee Ukraine.
Sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine, waxaa la badbaadiyay Shaqaalaha markabka Helt oo lix ah kuwaasoo ay u suurtagashay in ay ka nabadgalaan masiibada markabka.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Ukraine, ciidamada Ruushku waxay u adeegsanayeen Helt gaashaan si ay uga qariyaan hubka Ukraine marka ay hore u sii soconayaan.
Wakaalada Maraakiibta Vista, oo ku taal Estonia, ayaa leh markabka calanka Panama. Estonia, oo xubin ka ah Nato oo xuduud la leh Ruushka, waa waddan ka tirsan Baltiga.
Iyadoo ay sii wadayaan riixitaanka ay ka wadaan koonfurta Ukraine, Ruushku waxa uu soo diraya maraakiibta kusoo qulqulaya xeebaha si ay u qabsadaan Odesa, oo ah magaalo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof iyo deked muhiim ah, sida uu sheegay milatariga Ukraine.
Ruushku waxa uu u arkaa duulaanka “hawlgal milatari oo gaar ah” oo lagu doonayo in dalka lagala dagaalamo dhanka ciidanka.