Madaxweyne Putin oo ku adkaystay in qorshihiisa dagaal u socdi si saxa

Rusia-(Berberanews)-Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku adkeystay in guusha militariga Ruushka ee Ukraine uu u socdo “sidii qorshuhu ahaa” xili Kyiv iyo Moscow ay ku heshiiyeen in loo sameeyo waddooyin bini’aadantinimo oo loogu talagalay dadka rayidka ah si ay uga baxsadaan duulaanka Ruushka.

Kadib markii ciidamada ruushka ay gacanta ku dhigeen magaaladii ugu horraysay ee weyn oo Yukreena, Putin ayaa u muuqday mid aan niyadda u haynin in uu dhegeysto qaylo dhaan caalami ah oo ku saabsan colaadaha in la soo afjaro iyadoo dagaalku uu galay todobaadkii labaad.

Putin ayaa mar kale sheegay in Ruushku uu xididdada u siibay “Naasiyada neo”, isaga oo intaa ku daray intii lagu jiray furitaanka shirka golaha amniga qaranka “in aanu waligii ka tanaasuli doonin [rumanyntiisa]  ah in Ruushka iyo Ukraine ay yihiin hal qof.”

Wariyaha Aljazeera, Dorsa Jabbari, ayaa sheegay in hadalka Putin uu uga dan leeyahay inuu isku dayo inuu dadka Ruushka ka dhaadhiciyo in arrimuhu gabi ahaanba u socdaan sidii qorshuhu ahaa, isaga oo ku celceliyay in ay dagaal wanaagsan kula jiraan Ukraine, isla markaana ay taasi u samaynayaan. amniga dalkooda”.