Kulan gaar ah oo Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Guddida  Doorashooyinka

Hargeysa – Warar xogogaal ah oo warbaahinta maxalliga ah heshay ayaa   sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu kulan gaar ah la qaatay Guddida   Doorashooyinka Qaranka toddobaadkan.
Madaxweynaha iyo xubnaha Komishanka ayaa la sheegay inay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka.
Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in loo sii daayey lacagtii ay ku qaban lahayeen diwaangalinta codbixiyeyaasha sida xoguhu sheegayaan .
Geesta kale, Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu wadaa inay hawsha diiwaangalinta codbixiyeyaasha bilaabaan bisha May ee sannadkan 2022.
Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa la filayaa in maalinta Axadda ee soo socota ay isugu yeedhaan saddexda xisbi si ay isla meel dhigaan waqtiga rasmiga ah ee la bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeeyey dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ku cadaadinaysay in ay hawlaha doorashooyinka ee taagan dhaqaajiyaan oo aanu muranka taagan saameyn hawsha diiwaangelinta ee hore loo bilaabo, maadaama wakhtigu cidhiidhi yahay.