Wajaale: 4 qof isku qoys ah oo ku dhintay dab ka kacay gurigooda

Togwajaale -(Berberanews)-Afar qof oo isku qoys ah oo ay ku jiraan hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, ayaa ku nafwaayey dab xooggan ka kacay gurigooda oo ku yaallay magaalo-ganacsiyeedka Togwajaale ee Gobolka Gabiley gelinkii dambe ee maanta.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay masiibada dabka afarta qof ku dhinteen, saddex kalena ku dhaawacmeen ee ka dhacday magaalo-xuduudeedda ganacsiga Wajaale,
Waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyska, qaraabada iyo  asxaabta ay ka baxeen afarta qof ee sababsaday dab ka kacay hoygay degaanayeen. Sidoo kalena naftayda, bulshada degmada Tog-wajaale iyo guud ahaan gobolka Gabilay ayaan uga tacsidaynayaa dhacdan naxadinta leh.
“Runtii murugo in hooyo, 2-ba carruura oo ay dhashay iyo walaasheed inay hal dhacdo ama masiibo oo noocana ay ku wada geeriyoodaan waase qaddar Rabbi oo sababtu say doonto ha noqotee geerida waan ku wada xukumanahay, dhammaantood Alle ha u naxariisto, qoyskana cawil khayr qaba Rabbi ha ugu beddelo.
Dhanka kele, waxaan iyana u baryayaa caafimaad buuxa insha Allah saddexda qof ee ku dhaawacmay oo maamulka gobolka, degmadu  iyo laamaha caafimaadkuna u gurmadeen.
“Waxaan deg-deg u dirnay Ambalaas dhaqso u soo qaatay dhaawacyadan si loogula tacaalo cusbitaalka guud ee magaalo madaxda Gobolka Gabilay, wayna caafimaad qabaan inta nool Alhamdullilaah.
Waxaan u mahad-celinayaa Dab-damiska Qaranka oo deg-deg u gurmaday, isla markaana samata-bixiyey dadkii ag dhawaa halka dabku ka kacay xakeemyey oo damiyey si aannu u fidin.
Meelaha u nugul sida guryaha aqal soomaaliga, cooshadaha ama jiingadaha ahi way u jilicsan yihiin inay gubtaan. Waxaan ku boorrinayaa guud ahaan kuwooda deggan iyo kuwa u dhawba inay ka feejignadaan, kana hortegaan arrimaha sababa dabka,” ayuu Guddoomiye Jiidhe ku yidhi qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyey caawa.