Maayarka Burco oo lagu xidhay Madaarka Dubai

Dubai – Maayarka Burco ee xarunta Gobolka Togdheer Md Cabdirisaaq Hero, ayaa la sheegay in muddo 8 saacadood ah lagu xidhay garoonka diyaaradaha magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka degay shalay.


Maayar Hero oo ku safrayey baasaboorka diblomaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo si caadi ah loogu tagi karo Imaaraadka Carabta, ayaa sida ilo xogogaal ah tibaaxeen waxa xadhiggiisu yimi kadib markii laamaha amniga ee madaarka Dubai ogaadeen inuu qaldan yahay fiisaha dal-ku-galka ee uu sitay.
Jaaliyadda Somaliland iyo xubno ka tirsan shaqsiyaadka dalkaasi ka ganacsada ayaa u gurmaday Maayar Hero kaddibna soo fardaamiyey.
Maayarka Boorama iyo xildhibaanno ka tirsan golayaasha deegaannada labada magaalo-madax ee gobollada Togdheer iyo Awdal ayaa socdaalka ku weheliya maayarka la xidhay, waxaanay halkaas u tageen shirar muhim ah.