Yaa heli kara dhalashada Somaliland, sidee lagu heli karaa?

Waxaa Jira Xeerar Dastuurka Ka Farcamaya Oo uu u daayay in lagu Nidaamiyo Xeerar  waafaqsan Dastuurka, kuwaasoo ah, Shaqada ay Inoo Hayaan Golayaasheena Baarlamaanku.

Qodobka 9aad iyo Qodobka 4aad Ee Xeer Lr.22/2002 Xeerka Jinsiyada Somaliland Ayaa xaq u siinaya qofkasta oo ku sifooba sifooyinkan shuruudaha hoos ku xusan.

Sidoo Kale Xeerkani waxa uu si cad u cadaynayaa sadex qodob ee halkan ku faah faahsan oo kala ah sidatan.

1. Yaa helikara dhalashada somalilander ah,
2. Sidee baa lagu helikaraa dhalashada SL.
3. Qof Sifooyinkee leh ayaa helikara

Hadaba hadii aan sharci ahaan ku cabiro dhacdada inanta kaadhka dhalashada loo diiday ee Magaceedu yahay Ayaan Cabdiwali sharci ahaan waa mid lagu lumiyay xuquuq sharci oo ay xaq u lahayd, taas oo siinaysa dhalasho somalilander ah oo waafqsan  sifaha cabashadeeda, waxaanay u dhigan yihiin qodobada sharci oo faahfahsan sidatan:

Qodobka.9aad farqadiisa 1aad ayaa xusaya
Ninka Guursada gabadh Ajanabi ah.

1)            Gabadha ajanabiga ah ee  guursata nin muwaadin ah waxay helaysaa muwaadinimada Somaliland, waanay haysan kartaa xataa haddii la furo, haddii aanay iskeed uga tanaasulin.

Isla Qodobka 4aad Ee XeerkanJinsiyadaha Somaliland waxa uu dhigayaa sidatan.

Ogolaanshaha Muwaadinimo ee Qof Ajanabi ama Qaxootiga ah

1)            Qofka ajanabiga ah ama qaxootiga ah ee sifo sharci ah ku jooga dalka Somaliland ee soo codsada muwaadinimo Somaliland; waxa la siin karaa marka uu buuxiyo shuruudahan:

a)      In codsaduhu qaan-gaadh yahay.

b)     In ugu yaraan 10 sano si sharci ah oo xidhiidh ah u deganaa  dalka Somaliland.

c)      Inuu ku sifoobay dhawrsanaan iyo dhaqan wanaag.

d)     Inaanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey, kana qayb qaadan fal ka dhan ah Qaranimada Somaliland.

e)      Inuu ahaa cashuur-bixiye mudadii uu dalka deganaa.

Hadaba inantani waxay buuxisay shuruudihii ay ku heli lahayd dhalashada muwaadinimada xaqbaanay u leedahay inay qaadato dhalasho

Laba qodob ayaa halkan inooga soo baxya kuwaas Oo kala ah sidatan

1. Mid ku amaanayaa waaxaha bixiya kaadhkan oo waan soo dhawaynayaa in IDga somaliland aan si fudud lagu helikarin waan soo dhawaynayaa, waxaanay muujinaysaa in dal ku galkeenu uu suganyahay oo uu yahay mid laysku halaynkaro oo Sharci ah.

2. Midna waxaan ku dhaliilayaa Waaxaha ay dhacdadani khusayso oo ah inaan xeerarkeena aan mudane iyo marwaba aan la akhriyin oo aynu isku maamulno kutiri ku teen, waxaana cad inay jirto khibrad yari iyo aqoon li sharci, isla markaana waxaa cad in haayadaha dawlada ee bixiya adeegyada dadwaynuhu guud ahaantood aanay sharci yaqaano ama la taliyayaal sharci aanay adeegsan amaba aanay lahayn, loona baahan yahay in xafiis kasta oo dawladeed ay shardi tahay inuu leeyahay la taliye sharci si sharciga loo dabaqo.

Inanta lafteedana waxaa muhiim ah inay ogaato inaan dhalashada somaliland aan  isaaqnimo aan lugu helin ee ay jiraan dad u dhashay somaliland ku midaysan magaca jamhuuriyadda somaliland

Allaw aqoon la,aan hanagu cadaabin eexna hanagaga tagin, waxaan ka seexanwaayay xiligaas vedioga inantaas, sababtaas ayaan qoraalkan xiligaas idiinala wadaagayaa 

Mudane iyo Marwoba iga gaadhsiiya ciday khusayso si ay gabadhaas iyo kuwa lamidka ahiba ay u helilahayeen xuquuqdooda.

Alle xaqa hayna garansiiyo
Aamiin Aamiin Aamiin.

Garyaqaan. Yuusuf Biixi